Rooble “Kiis Ikraan Tahaliil waxa uu noqday arin qaran oo dadka Soomaaliyeed oo dhan taabatay” (VIDEO)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, oo ka hadlayay maanta kulanka Gollaha Wadatashiga Qaran iyo Ku Xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka sheekeeyay maerxalada dalku uu marayo, gaar ahaan khilaafka isaga iyo Farmaajo, arrimaha doorashooyinka, iyo kiiska Ikraan Tahliil.

“Waxa aan aad uga xumahay xaaladaha siyaasadeed ee maalmahan dalka ka jiray xilli uu dalku ku jiro doorashooyin. Waxaan xaqiijin doonnaa inaan dadaal ku bixinno ka hortagga iyo maareynta xiisadda si xilkasnimo iyo miyir leh.
Waxaan ku hawlanaa dhammaan in aan la tashiyo la sameeyo dadka ay khusayso in arrimaha lagu xaliyo wada hadal iyo si waafaqsan kala qaybsanaanta awoodaha Dastuuriga.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in ahmiyadiisa ugu muhiimsan ay tahay doorashooyinka dadka Soomaaliyeedna uu u xaqiijinayo in aanu marnaba ka weecan diiarad saaridda doorashooyinka.

“Waxaa iga go’an inaan sii wado dadaalkan waxaanan ku kalsoonahay in iyadoo la kaashanayo Madaxweynayaasha saaxiibadeey ee Dowlad Goboleedyada in aan gacan kawada geysanno dadaalka dhexdhexaadinta, waxaan inshallah heli doonnaa xal nabadeed oo ku aaddan xaaladdan laga xumaado.”

“Kiis Ikraan Tahaliil Faarax ee aad maqasheen waxa uu noqday arin qaran oo dadka Soomaaliyeed oo dhan taabatay, mawqifkayga mabda’iyan waxa uu yahay in kiiska Ikraan uu helo baaritaan lagu kalsoon yahay oo madax bannaan iyo in dhammaan caqabadaha hortaagan in caddaalad loo helo Ikran iyo qoyskeeda meesha laga saaraa, sidaa awgeed waxaan uga mahadcelinayaa Qaramada Midoobay iyo xubnaha Beesha Caalamka mowqifka ay qaateen oo ah in kiiska Ikraan lagu sameeyo baaritaan dhameystiran”

Ugu dambeyn, Ra’isul Wasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyay in kiiska ikraan aan la siyaasadeyn ee kaliya loo arko xaq uu leeyahay muwaadin Soomaaliyeed oo ay tahay in isku aragti laga ahaado.

Idilnews