Wafti heer sare ah oo ka socda QM oo la kulmaya Farmaajo & Rooble

Kuxigeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay Marwo Amina J. Mohammed iyo wafdi heer sare ah oo ka tirsan Xarunta Qaramada Midoobey, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Waftiga ayaa kulan la qaadan doona Madaxda DFS, sida Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo ay kala hadli doonaan dhameystirka doorashooyinka dalka.

Soomaaliya ayaa ka mid ah dalal dhowr ah oo ka tirsan Gobolka oo ay socdaal ku marayso Kuxigeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay Marwo Amina J Mohammed.

Idilnews