Farmaajo oo Guddi u magacaabay kiiska Ikraan Tahliil

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddi baaritaan daah furan ku sameeya Kiiska Ikraan Tahliil u magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo saddex xubnood oo ay soo magacaabayaan Taliyeyaasha Ciidamada sida Booliska, Xoogga dalka iyo Nabadsugida.

Xubnaha guddiga ayaa kala ah:

1- Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Guddoomiye
2- Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Guddoomiye-ku-xigeen
3- Xubin uu soo magacaabo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Xubin
4- Xubin uu soo magacaabo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Xubin
5- Xubin uu soo magacaabo Taliyaha Hay’adda Nabad -Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Xubin

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa isna horey ugu amray maxkamadda ciidamada qalabka sida inay baaritaan ku sameyso kiiskan.

Tallaabadan ayaa loo arki karaa in Farmaajo uu labo ujeeddo ka leeyahay mida koowaad ayaa ah inuu Kiiska kala wareego Ra’iisul Wasaaraha iyo tan labaad oo ah inuu isaga meyro eedda maalmahan loo jeedinayay ee ahaa inuu hortaagan yahay cadaaladda Kiiska Ikraan.

Idilnews