Kuuriyada Waqooyi oo mar kale tijaabisay gantaalo halis ah

Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabisay gantaal nooca riddada dheer ah oo awood u leh inuu ku dhufto inta badan Japan, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Isniintii.

Dabayaaqadii isbuuca ayaa la arkay gantaallo socda masaafo dhan illaa 1,500km, sida ay sheegtay wakaaladda KCNA.

Tijaabadan ma jabineyso qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey- ee ay Kuurirada Waqooyi ku muteysatay cunaqabateyn adag in lagu soo rogo.

Laakiin waxay muujinaysaa in waddanku weli awood u leeyahay inuu soo saaro hub iyada oo ay jirto in dalkaasi ay soo food saartay cunto yaraan iyo dhibaato dhaqaale o kale.

Tijaabada gantaalkan oo ah nooca kuruuska ayaa muujinaysa “ahmiyadda istiraatiijiyadeed oo wax ku ool ah oo macnaheedu yahay in si kalsooni leh loo sugo amniga dowladnimadeena oo si xoog leh loo xakameeyo dhaqdhaqaaqyada milatari ee xoogagga cadawga ah,” ayaa lagu yiri bayaanka lagu baahiyay wakaalada wararka ee KCNA.

Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in tijaabadan ay muujineyso Kuuriyada Waqooyi “sii waddo diiraddana saarto horumarinta barnaamijkeeda milateri iyo halistooda ku wajahan deriskeeda iyo beesha caalamka.”

Idilnews