Laftagareen oo isaga tagay Muqdisho, kadib fashilka shirkii Farmaajo iyo Rooble

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa ka degay magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee maamulka uu hoggaamiyo, kaddib maalmo uu ku sugnaa Muqdisho.

Laftagareen ayaa magaalada Muqdisho u joogay xal u raadinta khilaafka Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaana ka socdaalkiisa saaka ee Muqdisho ay muujinaysaa fashilka wada-hadaladii xalka loogu raadinayay khilaafka labada nin oo habeen kahor lagu kala kacay.

Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen iyo Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa hormuud u ahaa wada-hadalada Farmaajo iyo Rooble, waxaana xogo soo baxaya ay sheegeen in labada nin ay sii kala fogaanayaan.

Idilnews