Majaajiliiste Ibraahim Mustafa “Basadiir” oo gaaray magaalada Muqdisho

Majaajiliistaha u dhashay Wadanka Tanzania ee Ibraahim Mustafa oo ay soomaalidu u taqaan (Basadiir) ayaa saaka gaaray Magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya.

Basadiir ayaa ah nin si aad ah looga yaqaano baraha bulshada ee ay soomaalidu isticmaasho, Waxaa uu soo bandhigaa sheekooyin u badan maad iyo qosol.

Waxa uu caan ku yahay magaca Basadiir. Muuqalada uu Tanzania ku sameeyo waxaa sii tarjuma oo Soomaalida u soo bandhiga nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Farxaan Diraac.

Basadiir ayaa waxaa soo dhaweeyay Farxaan Diraac oo ah ninka dhalinayrada ah ee sheekooyinkiisa afka soomaaliga u tarjuma.

Hase yeeshee soo dhaweynta Basadiir ayaa ahayd mid aad uga kooban iyadoo aysan fanaaninta kale ee Soomaaliyeed aysan wax ka soo dhaweyn Basadiir.

Idilnews