Puntland oo daah-furtay olalaha Tallaalka COVID-19 ee Johnson & Johnson (VIDEO)

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa maanta daah-furtay olalaha Tallaalka cudurka COVID-19 ee Johnson & Johnson, kaas oo deegaanada Puntland ka soconaya muddo 10 maalmood ah.

Olalahan ayaa saaka ka bilowday 63 goobood oo kamid ah deegaanada Puntland, iyadoona at ka howlgali doonaa 63 kooxood, sida uu sheegay Wasiirka Caafimaadka Puntland.

Wasiir Hon Jama Farah Hassan ayaa ugu baaqay Shacabka inay qaataan Tallaalka cudurka COVID-19, maadama uu yahay waxa kali ah ee looga hortagi karo faafitaanka cudurka.

Idilnews