Shir looga hadlayo Dib-u-habeynta Booliska Puntland oo ka dhacay magaalada Garoowe (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi, ayaa shir la qaatay Guddiga dib u habeynta Ciidanka Booliska Puntland.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan, Taliye kuxigeenka Booliska Puntland Gen: Caydiid Axmed Nuur iyo Taliyayaasha qeybaha Booliska Gobalada Mudug, Karkaar iyo Bari, waxaana intii uu socday diirada lagu saaray arrimaha Dib-u-habeynta Ciidanka iyo diyaarinta Miisaaniyadda sannadka 2022-ka.

Mudane Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa sheegay in in dib u habeynta Ciidamada Booliska Puntland ay mareyso meel gaba-gabo ah, isagoona xusay in ka Wasaarad ahaan ay ka go’an tahay in Ciidamaddu si joogto ah u helaan xuquuqdooda, uguna soo dhacdo mushaharaadkooda Taleefoonadooda isla markaana aysan dhici doonin in mushahar la waayo.

“ Waxaan maanta shir iskugu nimid Taliska qaybta Booliska ee goboladda, taasoo looga hadlayey labo qodob oo ah Dib u habeynta ciidamada Booliska oo gabogabo ah, gobol kasta inta ka dhimanayd iyo xilliga ay soo xaroonayaan iyo Diyaarinta Miisaaniyadda cusub ee 2022-ka…” ayuu yiri Mudane Xasan Shire Cabdi.

Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dadaal badan galisay sidii Dowladda Puntland ay u heli laheyd ciidamo la ogyahay tiradooda iyo tayadooda, taas oo haatan u muuqata in guulo badan laga gaarayo.

Idilnews