Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee BJFS oo maanta bilaabanaysa

Doorashada xubnaha Aqalka Sare ku metelaya dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa saaka ka bilaabanaysa magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Hirshabelle.

Guddiga doorashadan ayaa shaaciyay in saddex kursi oo kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Hirshabelle ku metelaya saaka ay doorashadoodu ka dhici doonto magaalada Jowhar.
Musharaxiinta kuraastan ayaa isugu jira kuwo hore ugu fadhiyay kursiga iyo kuwa cusub oo la tartamaya.

Mid kamid ah saddexda kursi ee maanta loo tartmayo ayaa waxaa ay tahay mid dumar kaliya ay ku tartamayaan.

Musharaxiinta maanta tartamaya ayaa waxaa kamid ah;

1. Muuse Suudi Yalaxow

2. Cabdullahi Sheekh Xasan

3. Axmed Xasan Cadow Daaci iyo

4. Dr. Xasan Cadaay Cali.

Kursiga labaad ee maanta lagu tartamayo ayaa waxaa isku haya;

1. Maxamed Cusmaan Dhega-Juun

2. Nuur Maxamed Geedi (Canjeex)

Sidoo kale waxaa la sheegay inay maanta tartami doonaan.

1. Fartuun C/Qaadir Faarah Karaama iyo

2. Sacdlya Yarrow Aadan

Waxaa la rajeynayaa in dhammaan kuraasta ay noqon doonaan kuwo si xoog ah loogu tartamo iyadoo aysan jiri doonin sida filayo isu tanaasul.

Idilnews