Madaxweynaha Jabuuti oo xaaladiisa laga dayrinayo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa xaalada daran oo xanuun ah wajahaya, iyadoona la dhigay Isbitaal ay leedahay dowladda Faransiiska, sida ay sheegeen mucaaradka Jabuuti.

Xanuunka Madaxweyne Geelle ayaa la sheegay inuu u badan yahay dhanka wadnaha, waxaana mucaaradka Jabuuti ay sheegeen inuu ku jiro xaalad miyir dabool ah, ayna ku xiran yihiin Oxygen iyo faleembayaal.

Idilnews