Maxay ka wada-hadleen Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta ? (VIDEO)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, iyo Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta ayaa ka wada-hadlay cadaalad u helida kiiska Ikraan Tahliil iyo dardar-gelinta arrimaha Doorashooyinka.

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ahaa musharixiintii ka qeybgashay shirka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri “Waxaan maanta kulan mira dhal ah la yeelannay Raysalwasaare Rooble. Waxaan ka wada hadalnay sidii uu kiiska Ikraan Tahliil ku heli lahaa caddaalad, looguna simo hay’adaha garsoorka, in dardar la geliyo arrimaha doorashooyinka iyo la qaboojiyo xasaradda.”

Idilnews