Puntland iyo Galmudug oo xaliyay dhacdooyin ka dhacay G. Mudug (VIDEO)

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa ka qayb galay Shirka Amniga Gobolka Mudug.

Shirkan ayaa waxaa goob joog ahaa Gudoomiyaha Gobolka Mudug Galmudug, Duqa Degmada Gaalkacyo Galmudug iyo qaar kamida Odoyaasha Nabada Gobolka Mudug, kualnkan oo lagu xaliyey dhacdooyin ka dhacay labada dhinac ee Magaalada iyo Deegaanada Bukhraas iyo Saaxo.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa Dowladda Galmudug iyo Nabadoonada Gobolka Mudug Galmudug ku amaanay la dagaalanka Argagixisada Koonfurta Gobolka Mudug iyo doorka wanaagsan ee ay ka qaataan ilaalinta wada jirka iyo Nabada Gobolka Mudug

Idilnews