Qoorqoor oo la kulmay qaar kamid ah Wakiillada Beesha Caalamka

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta la kulmay qaar ka mid ah danjirayaasha beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya.

Kulanka oo ay Beesha Caalamka ku matalayeen Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo Danjirayaasha Midowga Yurub, Sweden, Norway, UK iyo diplomasiyiin kale.

Madaxweynaha & xubnaha beesha caalamka ayaa ka wada hadlay dardargelinta doorashooyinka, amniga doorashooyinka, xaqiijinta qoondada haweenka iyo taageerada beesha caalamka ee ku aaddan habsami usocodka doorashada.

Kulanka ayaa dhinaca kale looga hadlay Arrimaha horumarinta Galmudug, amniga iyo la dagaalanka argagaxisada sidii beesha caalamku gacan uga geysan laheed howlahaas lasoo xusay.

Idilnews

About the Author

Jibril Qoobey
(ISBITALKA )GMC- HOSPITAL DHAGACADE. Kabilowdey Qaliimo losamenayo Qaar Kamidah Ciidanka ku Xaraysan Xerada General Carays ee Deegaanka Godod. Qaliinada Losamenayo Ciidanka waxa iska Kashanaya Musharax Duqa Dagmada Galkacyo Cawil Cabdile iyo (ISBITALKA )GMC- HOSPITAL. DHAGACADE. Waxa Qaliinada Fulinaya .Dhaqatirta kala Ah. DR Maizid iyo DR Cabdale Horeeye. Qaliinadan manta kabilowdey Isbitalka GMC HOSPITAL DHAGACADE . Waxa Goobjoog ka ahaa musharax Duqa Dagmada gaalkacyo mudane Cawil Cabdile iyo sido kale Taliyaha Ciidanka Darawiishta gobolada mudug iyo Ceyn ee Puntland mudane Sharmake shiikh doon iyo . Agasimaha Isbitaalka GMC- mudane Maxamed Cabdirisaaq warsame iyo masuuliyen kale.