Ra’iisul Wasaare Rooble oo si kulul uga hadlay Qarax ka dhacay Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa si kulul u cambaareeyay qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa alle uga baryay dadkii ku dhintay qaraxa inuu u naxariisto.

“Waxaan cambaareynayaa qaraxii maanta argagixisada Alshabaab la beegsadeen maqaaxi ku taalla degmada Wadajir, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad aan waxba galabsan.”

“Allaha u naxariisto intii dhimatay eheladoodiina Samir Allaha ka siiyo inta dhaawacantayna Allaha u boogo dhayo.”

“Falkan bahalnimada ahi waxa uu muujinayaa sida argagixisada Alshabaab ay ugu qabaan daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed si aan kala sooc lahayn, taas oo khasab ka dhigeysa in aan isu kaashanno la dagaallanka argagixisada.”