Rooble oo ka horyimid Guddigii Farmaajo u magacaabay kiiska Ikraan Tahliil

Ra’iisul Wasaaraha XFS waxa uu ka digayaa isku day kasta oo lagu marin habaabinayo Kiiska Ikraan Tahliil.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu wax uu farayaa Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo wax u dhimi karta sumcadda ciidamada, dhaawicina karta kalsooni shacabka Soomaaliyeed .

“Gal dacwadeed maxkamad horyaalla in loo magacaabo guddo baaris ah waa arrin baal marsan Dastuurka iyo shuruucda dalka, saxna ma ahan in hey’ad xubno ka tirsan oo dacwad loo heysto ay qeyb ka noqdaan baarayaasha kiiska”

Idilnews