Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka Labada dal

Wasiirka Wasaaradda, Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowlada federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa safiirka cusub ee dowlada Shiinaha u soo magacawday Soomaaliya, Mr. Fei Shengchao.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo horumarka ee u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah.

Idilnews