Dib-u-dhiska Wadada Xarfo -Jalam oo maanta la dhagax-dhigay (VIDEO)

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal, wuxuuna dhagax-dhigay dib u dhiska iyo dayactirka waddada Xarfo illaa Jalam.

Wadadan dib u dhiska iyo dayactirka lagu sameynayo ayaa dhararkeedu dhan yahay.65KM, waxaana bixiyay dhaqaalaha ku baxaya Midawga Yurub (EU).

Dhawaan ayay Wasaaradda Maaliyadda ay Shirkadda Isxilqaan oo horey u hagaajisey qeybo ka mid ah Wadadan ay siisey $750,000 oo horu dhac u ah $1,800,000, waana midda fududeysay in Midawga Yurub uu ku baxsho dhaqaale lagu hagaajiyo Wadadan.

Idilnews