Farmaajo xilka ka qaadaya Guddoomiye Shuute

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda darjada 1-aad ee Ciidammada qalabka sida ee DFS G/Sare Xasan Cali Nuur (Shuute), sida ay u xaqiijiyeen Idilnews ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

G/sare Shuute ayaa dhowaan qabtay gal-dacwadeedka kiiska Ikraan Tahliil, waxaana hadii Farmaajo xilka ka qaado ay cadeyn u noqon doontaa inuu hortaagan yahay kiiska Ikraan ee Maxkamadda yaalla.

Idilnews