Madaxweyne Karaash oo dhagax-dhigaya dib-u-dhiska Wadada Gaalkacyo – Garoowe

Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayaa maanta dhagax-dhigaya Wadada xariirisa magaalooyinka Gaalkacyo – Garoowe, taas oo sanado badan burbursaneyd.

Wadadan ayaa horey loo joojiyay dhismaheedu, kaddib markii Hay’adda GIZ oo gacanta ku heysay dhaqaalaha lagu dhisayay wadadan ay Musuq-maasuq ku eedeysay shirkadii dhisaysay “Isxilqaan”, balse Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Deni ayaa ku guuleysatay dib u soo celinta mashruucan oo dhaqaalihiisa la hosgeeyay Hay’adda UNOPS.

Idilnews