Rooble oo la kulmay Safiirka cusub ee Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Tina Intelmann.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka taageero Soomaaliya iyo horumarrada laga sameeyey geeddi socodka doorashooyinka dalka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaruhu.

Idilnews