S/Guuto Bashiir Goobe oo magacaabay Agaasimaha NISA ee G/Banaadir

Agaasimaha KMG ah ee NISA ee uu Magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble ee Bashiir Goobe ayaa xilkii waxaa uu ka qaaday Taliyaha NISA ee G/Banaadir Yasiin Fareey, isaga oo taliye Cusub Magacaabay.

Warqad kasoo baxday Xafiiska Bashiir Goobe ayaa waxaa xilka Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir loogu Magacaabay Muxudiin Maxamed Jimcaale (Warbac).

Sidoo kale Wareegtada Magacaabista ayaa waxaa lagu xusay in uu ogyahay xilka qaadistan iyo Magacaabista Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Xilka qaadistan uu ku sameeyay Agaasimaha KMG ah ee NISA ee uu Magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble Taliyihii NISA ee Gobolka Banaadir ee Yaasiin Fareey ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli ka hore Madaxeeynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo uu Yaasiin Fareey u Magacaabay Agaasimaha KMG ah ee NISA.

Idilnews