Turkiga oo si adag uga hadlay Qarax ka dhacay Muqdisho

Dowladda Turkiga ayaa si kulul uga hadashay qarixii ismiidaaminta ahaa ee lala beegsaday maqaaxi ku taalla degmada Wadajir, kaas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dad u badan Askar ka tirsan Ciidamada dowladdda Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga oo la soo marsiiyay Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin qaraxa oo ay ku dhinteen in ka badan 10 Ruux.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkan argagaxa leh, waxaanan u fidinaynaa qaddiyadeena shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed ee saaxiibada ah iyo walaalaha ah. Waxaan u rajaynaynaa Allaah u naxariiso kuwa naftooda waayey iyo soo kabashada degdegga ah kuwa dhaawacmay ayaa lagu yiri” Qoraalka kasoo baxay dowladda Furkiga.

Ugu dambeyn Dowladda Turkiga ayaa balan qaaday inay sii wadi doonto garab istaaga Soomaaliya oo dagaalka a kula jirto waxa loogu yeero argagixisada.

Turkiga ayaa waxaa uu kamid yahay dowladaha taageera Soomaaliya, waxaana sanad walba uu u tababaraa Boqolaal Askari, kuwaas oo qeyb weyn ka qaata dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Idilnews