Xeerka ilaalinta deegaanka Puntland oo Dib-u-eegis lagu sameynayo (Sawirro)

Waxaa xarunta dhexe ee wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada DPL ka furmay shir kusaabsan dib u eegis lagu samaynayo xeerka ilaalinta iyo maareynta deegaanka Puntland.

Furitaankii shirkan waxaa ka qaybgalay madaxda wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada dawlada Puntland, wasiirka Deegaanka iyo dalxiiska Jubbaland, gudiga dhowrista Deegaanka iyo Khayraadka dabiiciga ah u qaabilsan golaha wakiilada ee Puntland, Waxaana kasoo qayb galay wakiilo ka kalasocday maxkamada darajada koowaad, Wasaaradaha maaliyada, arimaha gudaha, caddaalada, jaamacada PSU, jaamacada bariga Afrika, khuburo ku takhakhustay arimaah Deegaanka iyo qayb kamid ah shaqaalaha wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada Dawlada Puntland.

Idilnews