Xildhibaano cusub oo maanta lagu dooranayo Jowhar

Xildhibaannada Golaha Wakiilada doad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa Maalintii labaad oo xiriir ah waxaa ay yeelan doonaan kulan lagu dooranayo Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare.

Sbalay waxaa Magaalada Jowhar lagu doortay Saddex Sanoter oo kala ah, Muuse Suudi Yalaxoow, Fartuun Cabduqaadir Karaama iyo Nuur Maxamed Geeedi (Canjeex).

Maanta ayaa waxaa la filayaa in sidoo kale la doortay Saddex Sanoter, si Maalinta Berito ah loo soo geba-gabeeyay doorashada Aqalka Sare ee degaannada Hir-Shabeelle, waxaana musharixiinta Maanta ku tartami doona Saddex kursi ay kala yihiin.

Waxaa Maanta Markale Xildhibaanada Hirshabeelle Dooran doonaan ilaa Sadex kursi waxaana ku tartami doonna.

1:Musharax Xasan Iidow Muxumed
2:Musharax Cabdinuur Ibraahim nuur
3 :Musharax Cismaan Axmed Macow

1:Musharax Cismaan Maxamuud Dufle
2:Musharax Maxamuud Axmed Nuur tarsan
3: Musharax Raage Xasan Xuute

1: Musharax Cali Shacbaan Ibraahim
2: Musharax Caballe Xuseen Cabdi
3: Musharax Caasho Xuseen Abuukar
4: Musharax Cabdulahi tawaad
5: Musharax Cabdiqaadir Xanafi

Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Xarunta Madaxtooyada Hir-Shabeelle lagu arkayaa Ciidamo ammaanka siweyn u xaqiijinsya.

Idilnews

About the Author

Jibril Qoobey
(ISBITALKA )GMC- HOSPITAL DHAGACADE. Kabilowdey Qaliimo losamenayo Qaar Kamidah Ciidanka ku Xaraysan Xerada General Carays ee Deegaanka Godod. Qaliinada Losamenayo Ciidanka waxa iska Kashanaya Musharax Duqa Dagmada Galkacyo Cawil Cabdile iyo (ISBITALKA )GMC- HOSPITAL. DHAGACADE. Waxa Qaliinada Fulinaya .Dhaqatirta kala Ah. DR Maizid iyo DR Cabdale Horeeye. Qaliinadan manta kabilowdey Isbitalka GMC HOSPITAL DHAGACADE . Waxa Goobjoog ka ahaa musharax Duqa Dagmada gaalkacyo mudane Cawil Cabdile iyo sido kale Taliyaha Ciidanka Darawiishta gobolada mudug iyo Ceyn ee Puntland mudane Sharmake shiikh doon iyo . Agasimaha Isbitaalka GMC- mudane Maxamed Cabdirisaaq warsame iyo masuuliyen kale.