XOG: Maxay tahay waraaqda Wakiiladda Beesha Caalamka ay gaarsiiyeen Farmaajo ?

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa wajahaya jahwareer iyo walaac daran, kaddib digniin adag oo ay gaarsiiyay Beesha Caalamka.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews, in Wakiillada Beesha Caalamka oo maalmihii ugu dambeeyay shirar ku lahaa xerada Xalane ee Muqdisho ay talaadadii gaarsiiyeen Farmaajo dhambaal xambaarsanaa digniin kulul, iyagoona hordhigay labo qodob.

Wakiiladda Beesha Caalamka ayaa u sheegay Farmaajo inuu ‘caqabada ka daayo howlaha doorashooyinka iyo Amniga dalka ama inay ka qaadi doonaan talaabo adag, waxaana ay ugu hanjabeen in hadii uu faraha kala bixi waayo ay kusoo rogi doonaan cunaqabateyn dhaqdhaqaaqyadiisa, sidoo kalena ay ka wareejin doonaan Amnigiisa Ciidanka AMISOM.

Waraaqdan ayaa jahwareer ka abuurtay Madaxtooyadda Villa Soomaaliya, waxaana la sheegay in kulamo looga hadlayay dhawaqa kulul ee Beesha Caalamka ay ilaa xalay saq dhexe ka socdeen Xafiiska Farmaajo.

Idilnews