Xukun lagu riday Rag dadka dhici jiray

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun min 15 sano ah ku ridday, Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow oo lagu heley dambi ah in ay dadka ku baadiyeen, ayagoo sheegan jirey magaca argagaxisada Alshabaab, sida uu ku dhawaaqay garsooraha maxkamadda.

Labada nin waxay dadka lacagaha kaga qaadi jireen SIMCARD Shirkadda SOMNET ah, sidoo kale waxay sameyn jireen afduub.

Meel kamid ah degmada Kaxda ama Masjid ku yaala suuqa Bakaaraha ayay ku balamin jireen dadka qaar marka ay kala wareegayaan lacagaha kaash ah.

Bishii May ee sanadkan, ayaa gabar Soomaaliyeed ku wargelisay sirdoonka ka dibna dabagal dheer, waxaa suuragashay in sharciga la hor keeno raggan.

Idilnews