Aqoon isweydaarsi ku saabsan Habraacyada Dastuurka oo lagu soo gaba-gabeeyay Garoowe (VIDEO)

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril ayaa si rasmi usoo xiray Aqoon-isweydaarsi ku saabsanaa Habraacyada Dastuurada.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL oo ugu horeyn ka hadlay xiritaanka Aqoon-isweydaarsiga ayaa xusay in Golaha Wakiillada DPL ayaa uga mahadcelinayaan Hay’adda UNDP doorka ay ka qaadatay Isbarbardhiga Dastuurada dalka, Baarlamaanka Puntland uu yahay mid muddo dheer jiray loona baahan yahay in laga faa’iidaysto khibrada uu leeyahay.

Muddada uu socday aqoon isweydaarsigu ayaa looga dooday hannaanka wax-ka-bedelka ee Dastuurka DFS, sooyaalka taariikheed ee Geedi-socodka Dastuurka DFS iyo kala aragti-duwanaansha Arrimaha Dastuurka DFS.

Idilnews