Booliska Puntland oo khamri iyo xashiis fara-badan ku gubay Garoowe (VIDEO)

Ciidammada Booliska Gobalka Nugaal ayaa fagaare ku yaalla magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland waxaa ay ku gubeen 550 dhalo oo khamri ah iyo kiilooyin xashiish ah, kuwaas oo lagu soo qabtay howlgallo ay sameeyeen Ciidammadu.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Nugaal G/Srae Maxamed Aadan Jaamac, ayaa sheegay in khamridan lagu qabtay howlgallo ka dhacay deegaano kamid ah Gobalka Nugaal, sida deegaanka Kalabeyr, isagoona Ciidanka Booliska uga mahadceliyay dadaalkooda naf hurnimada leh.

Sidoo kale G/Sare Maxamed Aadan Jaamac ayaa uga digniin u diray dadka ku howlan ka ganacsiga maandooriyaha khamrida iyo xashiiska, oo deegaanada Puntland laga soo galiyo xaduudka Itoobiya, waxaana uu ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan Ciidanka Booliska.

Idilnews