Maxay ka wada-hadleen Madaxweyne Laftagareen iyo Wakiillada Beesha Caalamka ? (VIDEO)

Baydhabo:16/9/2021Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi uu hoggaaminayey Wakiilka Xoghayaha guud Qaramada Midoobey uqaabilsan Arimaha Soomaaliya Amb James Swan sidoo kalena ay qeyb ka ahaayeen Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha soomaaliya iyo diblomaasiyiin kale.

Kulanka Madaxweynaha iyo Saaxiibada Beesha Caalamka inta uu Socday waxaa looga hadlay arrimaha Doorashooyinka, Amniga & sidii loo dardar gelin lahaa Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaliya.

Amb James Swan ayaa sidoo kale Madaxweyne Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed Laftagareen ku amaaney kaalinta dhex dhexaadineed ee uu ka dhex wado Khilaafka Madaxda ugu sareysa dalka si Xasilooni siyaasadeed loo helana, sii wado dadaalkiisa.

Idilnews