Muungaab “Warqada uu soo saaray Farmaajo waa is-miisaamin siyaasadeed”

Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Mungaab ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay warqadii shaqooyinta lagu sheegay ee lagu daabacay barta Facebook ee Madaxtooyadda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in sababta uu u soo saaray in ay tahay in uu doonaayo in uu dalka galiyo khalalaalse siyaasadeed.

“Tallaabada uu maanta qaaday Madaxweynaha muddo xilkeedkiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo, waa sharci darro, mana jirto meel ay Dastuurka KMG ah uga qoran tahay inuu Madaxweyne shaqada ka joojin karo Ra’iisal Wasaaraha’Warqadda uu soo saaray Farmaajo waa is-miidaamin siyaasadeed, falaad iyo foori diiran, sii hurin khilaafkii siyaasadda iyo abuurista jawi keena qalalaase amni” ayuu yiri Mungaab.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Ra’iisal Wasaaraha iyo Xukuumadda markay waayaan kalsoonida Baarlamaanka JFS kaliya ayuu Madaxweynuhu xilka ka qaadaa sidda ku cad qodobka 90-aad, Xarafka (d) ee Dastuurka KMG ah, Ujeedada ugu weyn ee uu ka leeyahay waa inuu ku hor istaago dadaalada lagu doonayo in Kiiska Ikraan Tahliil laga gaaro caddaalad, lana caddeeyo ciddii mas’uulka ka ahayd,Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baqayaa in ay garab istaagaan dadaalada uu wado Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee lagu doonayo in Dalka ay ka dhacdo Doorasho hufan iyo in Ikraan Tahliil ay hesho Caddaalada”.

Idilnews