Roobab dabeylo wata oo ka bilowday deegaano kamid ah Gobalka Bari

Roobab dabeylo wato ayaa ka bilowday deegaano kamid ah Gobalka Bari, kuwaas oo saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada.

Deegaanka Xariiro ee degmadda Isku-shuban ayaa kamid ah meelaha ay ka da’een roobabkan dabeylaha wata, waxaana dadka deegaanku ay sheegeen in roobabkan ay ku burbureen ilaa 40 guri, iyadoona sidoo kalena ay ku dhinteen duunyo fara-badan.

Jaylaani Maxamed Ismaaciil, Isku-duwaha Wasaaradda deegaanka Puntland ee gobalka Bari ayaa sheegay in roobabka dabeylaha wata ee ka da’ay Xariiro ay geysteen khasaare weyn, ayna ugu daran tahay in dadkii qaarkood ay waayeen hoyigoodii.

Idilnews