RW Rooble oo la kulmay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed (VIDEO)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Guddodomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Mudane Baashi Yuusuf Axmed, ayaa looga Arrinsanayay u diyaar garowga doorashada xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi (Somaliland) iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha loogu soo gudbiyo liiska musharaxiinta Aqalka Sare.

Idilnews