Waa sidee shaqada Dekedda magaaladda Boosaaso ? (VIDEO)

Waxaa saxmad aad u sareysa laga dareemayaa dekedda magaaladda Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, kaddib markii uu dhamaaday waqtigii bad xiranka oo saameyn ku yeeshay shaqada dekedda.

Maraakiib iyo doomo sida badeecaado kala duwan ayaa dekedda kusoo xiranayay maalmihii ugu dambeeyay. shaqada baaxada leh ee ka socota dekedda magaaladda Boosaaso ayaa kusoo aadaysa xilli dib-u-dayactir balaaran uu ku socda dekedda oo qeybo kamid ah ay ku jirto xafaarad ciida ka saaraysa marinada loo soo maro dekedda.

Dekedda magaaladda Boosaaso ayaa ah isha ugu weyn ee dhaqaalaha Puntland, waxaana sanadkii 2017-kii la wareegtay shirkadda P&O oo qeyb ka ah shirkadda DP World, kaddib heshiis ka dhacay magaalada Dubai, balse Madaxweynaha Puntland Siciid cabdullaahi Deni ayaa hakiyay maamulkii iyo dhaqaalihii ay ka qaadan jirtay dekedda shirkadaas, kaddib markii ay wax shaqo ka qaban wayday dekedda.

Idilnews