Ra’iisul Wasaare Rooble oo kusoo wajahan magaalada Garoowe, Ujeedka socdaalkiisa ?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, ayaa dabayaaqada bishan September kusoo wajahan magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland , halkaas oo ay isugu imaanayaan Madaxda Soomaalida.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews, in Ra’iisul wasaare Rooble uu magaalada Garoowe uga qeybgalayo Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka, kaas oo looga arinsanayo dardar-gelinta doorashooyinka.

Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada ayaa 21-23 bishan September, ku yeelanaya caasimadda Puntland ee Garoowe kulan gaar ah oo ay uga arinsanayaan doorashooyinka iyo xaalada dalka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed wadajir ah oo xalay kasoo baxay Madaxtooyooyinka maamulada, kaddib kulanka khadka ZOOM-ta ah oo ay yeesheen Siciid Deni, Axmed Madoobe, Axmed Qoorqoor, Cabdicaziiz Laftagareen iyo Cali Guudlaawe.

“Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxay shir isugu imaanayaan Magaalada Garowe 21 – 23 September 2021 si ay uga arrinsadaan dardargelinta qabsoomidda doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladda Dalka.” Ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Madaxda DG.

Sidoo kale, Qoraal uu bartiisa Facebook ku shaaciyay Af-hayeenka Madaxtooyadda Puntland Jaamac Depreni ayuu ku sheegay in kulanka gaarka ah ee Madaxda Dowlad Gobaleedyadu ku yeelanayaan Garoowe uu hurdhac u yahay Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka oo uu shir-guddoomin doono Ra’iisul Wasaare Rooble.

Jaamac Depreni ayaa yiri “Shirka 21-23 September 2021, loogu ballansanyahay Garoowe wuxuu gogol xaar u yahay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu dardargelinayo dhameystirka Doorashada.”

Idilnews