Turkish Airlines oo dib ugu laabanaysa Istanbul, & Fahad oo lala

Wararkii ugu dambeeyay ee dayaaraddii (flight number TK686) oo uu saarnaa Fahad Yaasiin ayaa sheegaya in rakaabka dayaaradda loo sheegay haddana in ay dib ugu laabanayso Istanbul oo aanay tageyn Muqdisho maanta.

Dayaaradda oo ilaa hadda 8 saacadood ka badan joogta garoonka Djibouti ayaanay ilaa hadda kala caddeyn in Muqdisho u ambabaxi doonto iyo in ay Istanbul ku laaban doonto.

Arrinta ayaa imanaysa iyada oo goor dhaw ay Villa Soomaaliya ku eedeysay dowladda Djibouti in ay si sharci darro ah u xirtay Fahad Yaasiin.

Wixii ka soo kordha kala soco Idilnews

Idilnews