Bannaan-bax ka dhan ah Somaliland oo ka dhacay magaalada Laascaanood

Bannaan-bax rabshado wata ayaa xalay ka dhacay magaaladda Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool, kaas oo ay dhigayeen boqolaal shacab ah.

Bannaan-baxan oo ahaa mid ka dhacay inta badan xaafadaha iyo bartamaha magaaladda Laascaanood, ayaa looga soo horjeeday Amni-darada iyo dilalka qorsheysan ee ka soconaya magaalaadda, Dadka bannaan-baxa dhigayay ayaana ku dhawaaqaya Erayo ka dhan ah Maamulka Somaliland.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Idilnews in Ciidammada Somaliland ay rasaas ku kala eryeen bannaan-baxayaasha. Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay cuqaasha iyo waxgaradka Gobalka Sool kaas oo ku aadan xaalada magaaladda Laascaanood.

Idilnews