Guddoomiyaha G. Mudug “Goldogob marka aan soo galayo waxaan akhrisan jiray Qur’aan badan” (VIDEO)

Guddoomiyaha Gobalka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare), ayaa sheegay in degmadda Goldogob ay kamid tahay degmooyinka ugu amniga iyo hormarka badan deegaanada Puntland, balse laga faafiyo warar been abuur ah.

Guddoomiye Sanyare ayaa sheegay in markii uu xafiiska yimid lagu wargaliyay in degmaddan ay kunool yihiin maleeshiyo badan oo kamid ah kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, taasna ay keentay inuu digtooni fara-badan ka muujiyo Goldogob, uuna marka uu soo galayo akhristo qur’aan fara-badan, balse ay taas beenowday markii uu soo galay gudaha degmadan dhacda xuduudka Puntland iyo Itoobiya.

Hadalkan ayuu Guddoomiyaha Gobalka Mudug ka sheegay xilli uu shalay furayay Kalafadhigii 19aad Golaha Deegaanka Degmada Galdogob, waxaana uu ugu baaqay bulshada deegaanka inay xoojiyaan midnimadooda iyo la shaqeynta dowladda.

Idilnews