Weerar lagu qaaday Ciidanka Puntland ee ku sugan buuraleyda Gobalka Bari

Ciidammo kamid ah kuwa Amniga Puntland ayaa xalay lagu weeraray Buuraleyda Gobalka Bari, gaar ahaan agagaarka deegaanka Bali-khader iyo Sugure.

Ciidanka ayaa xilliga la weeraray ku guda jiray howlgallo roondo ah, kuwaas oo looga hortagayay inay kooxda Argagixisada ah ay miinooyin ku aasaan waddooyinka. Wararka ayaa sheegaya in weerarkan lagu dilay askari kamid ah Ciidammada Puntland.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha Amniga Puntland oo ku saabsan weerarkan xalay lagu qaaday Ciidanka ku sugan buuraleyda Gobalka Bari, kuwaas oo howlgallo joogto ah iyo dagaalo ka dhan ah Argagixisada ka wada dhulka buuraleyda ah ee Gobalka Bari iyo Sanaag.

Idilnews