Xasan Sheekh “Federaalka dartiis waxaan ka bad-baadnay in dalku hal meel ka burburo” (VIDEO)

Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goor-dhoweyd ka hadlay xaaladda uu dalka ku jiro iyo xaaladihii u dambeeyay ee dhanka siyaasadda iyo amniga ee dhacay.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dalku ay ka jirto xaalad cabsi iyo walwal xambaarsan, isagoona ku bogaadiyay Ra’iisul Wasaare Rooble doorkiisa xasilooni u raadinta dalka, waxaana uu ugu baaqay shacabka inay la taageero Ra’iisul Wasaaraha.

Madaxweynihii hore ee DFS ayaa sheegay in faa’idooyinka nidaamka Federaalka ay Soomaaliya qaadatay ay kamid tahay in waxa Villa Somalia ka dhacaya aysan saameyn doorashooyinka ka socda caasimadaha Dowlad Gobaleedyada iyo in aysan jirin hal meel oo uu dalku ka burburo.

Idilnews