Al-Shabaab oo burburisay garoonka diyaaradaha Buulo-burde oo go’doon ah (VIDEO)

Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa burburisay qeybo kamid ah garoonka diyaaradaha degmadda Buulo-burde ee gobalka Hiiraan.

Burburinta ayaa Ururka Al-Shabaab uu adeegsaday miinooyinka lagu aaso dhulka, waxaana dhamaan dhulka tagay qeybaha hubinta iyo diyaarad sugida rakaabka ee garoonka diyaaradaha Buula-burde.

Garoonka diyaaradaha degmadda Buula-burde ayaa waxaa saldhig ku leh Ciidammada DFS iyo kuwa AMISOM, waxaana sidoo kale uu muhiim u ahaa Ciidammada oo kala dega saadkooda iyo bulshada kunool degmadda oo ku jirta go’doon ay saartay Al-Shabaab.

Idilnews