Kulan looga hadlayo dhismaha Warshad Oxygen oo ka dhacay Boosaaso (VIDEO)

Guddoomiyaha Gobolka Bari Mudane Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta kulan la qaatay guddiga warshada Ogsijiinta sameeysa.

Kulanka ayaa waxa looga hadlay sidii loo dhisi lahaa warshada Ogsijiinta guddiga ayaana waxa ay balan qaadeen in ay dhisi doonan warshada, iyadoo ayna dhawaan la bilaabi doono dhismaha warshada.

Guddoomiye Mudane Senator Cabdisamad Abwaan, ayaa uga mahadceliyey guddiga kulankan waxa uuna ku bogaadiyey sida wanaagsan ay uga qeyb qaadanayaan hormarka dalka.

Kulanka ayaa waxa ka soo qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Bari, Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Bosaaso, Iyo Isuduwaha Wasaarada Cafimaadka Dowladda Puntland.

Idilnews