Maxay ka wada-hadleen Madaxweyne Laftagareen iyo Safiirka Itoobiya ? (VIDEO)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyadda ee Magaalada baydhabo ku qaabilay Safiirka Dowlada Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Mudane AMP Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi.

Kulanka ayaa looga hadlay Arimaha Doorashooyinka iyo Amniga, Madaxweyne Laftagareen ayaana uga mahadceliyay Itoobiya gacanta ay ka siiso Koonfur Galbeed la-dagaalanka Argagixisada.

Ciidammada Itoobiya ayaa ku sugan inta badan deegaanada uu ka arimiyo Maamulka Koonfur Galbeed ee Gobalada Baay iyo Bakool, waxaana ay saldhigyo ku lee yihiin garoomada diyaaradaha magaalooyinka Baydhabo, Xudur, iyo degmooyin kale.

Idilnews