Wasiir Qowdhan “Khilaafka Farmaajo iyo Rooble wuxuu salka ku haya Dastuur jabin”

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Puntland Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) ayaa sheegay in khilaafka u dhaxeeya Farmaajo & Rooble uu salka ku haayo Dastuur jabin, hor usocod la’aan Doorasho iyo Khilaaf soo jiitama oo soo laab laabtay.

Wasiir Qowdhan ayaa xusay in khilaaf kasta oo siyaasadeed ee dhaca lagu xaliyo Caasimadda Puntland ee Garoowe, haatana uu rajeeynayo in lagu dhameeyo khilaafkaas.

Ugu dambeyn Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Puntland ayaa sheegay inay soo dhaweeynayaan Madaxda Dowlad Goboleedyada ee dhawaan ku shiraya Magaalada Garoowe, isaga oo cadeeyay in Puntland ay diyaar u tahay doorasho.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xoogeystay, iyada oo dhawaan dhex-dhexaadin ay wadeen Madaxweynayaasha Galmudug & Koonfur Galbeed ay fashilmeen.

Idilnews