Puntland oo heshiis la gashay 3 shirkadood oo dhisaya waddooyin burburay (VIDEO)

Dowladda Puntland ayaa Heshiis la gashay Shirkadaha Albaashi, Ceelhaahir iyo Kebarco oo ka mid ah shir kadaha ka hawl gala Deegaanada Puntland.

Munaasbada heshiiska lagu kala saxiixday waxaa Dowladda Puntland uga qayb galay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta,Wasiirku xigeeno, Guddoomiyaha Banggiga iyo Xisaabiyaha Guud ee Dowladda.

Heshiiska shirkadaha lala galay ayaa salka ku haya dib udayac-tirka wadooyinka;

1- Wada Midi-gar
2- Buundada Qayaad same
3- Wadada kalabayr Boosaaso
Iyo sideed buundo oo u dhexeeya Garoowe iyo birta dheer,

Dowladda Puntland ayaa bixisay dhammaan lacagihii lagu bilaabayey dhismaha wadooyinka oo ay Dowladdu ku wareejisay shirkadaha ka hawl galaya.

Wasiirka Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa sheegay in Dowladda Puntland ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Siciid Abdullahi Deni ay ka go’an tahay Dib udhiska wadooyinka, shaqadaan maanta laqabtayna ay ka mid tahay balanqadkii madaxwaynaha.

Ugu dambayntii Wasiir Xasan Shire Cabdi ayaa sheegay sidoo kale in sadex berri kadib Dowladdu saxiixi doonto heshiiska waddada falariyaale iyo Garoowe oo dib udhis lagu samaynayo.

Idilnews