Waddooyinka magaalada Burtinle oo lagu xirayo CCTV Camera (VIDEO)

Waxaa degmadda Burtinle ee gobalka Nugaal lagu qabtay shir looga hadlayay Amniga iyo hormarinta Burtinle, kaas oo uu ka qeybgaleen Taliye kuxigeenka Booliska Dowladda Puntland Gen. Caydiid Axmed Nuur, Taliska Booliska degmadda iyo Maamulka degmadda Burtinle.

Shirkan ayaa intii uu socday si gaar ah diirada loogu saaray dardar-gelinta Amniga magaaladda Burtinle oo kamid ah degmooyinka sida xowliga ah u kobcaya ee Puntland.

Guddoomiyaha degmadda Burtinle Sayid Maxamed Xirsi, oo saxaafadda la hadlay shirka kaddib ayaa sheegay in lagu go’aamiyay shirka qodobo ay kamid yihiin in la kordhiyo tirada Booliska degmadda, iyo goobaha ay ku howlgalaan iyo in lagu xiro CCTV Camera lagu xiro waddooyinka muhiimka ah ee magaaladda Burtinle.

Idilnews