Akhriso: WARQAD FURAN OO KU SOCOTA MADAXWEYNAHA PUNTLAND MUDANE SICIID CABDULLAAHI DENI

Mudane Madaxweyne,

Mudane, marka horaysa waxaad naga guddoontaa Salaan Sharaf badan, waxaannu inta aannu dulucda qoraalkayaga u daadegin kaaga mahadcelinaynaa fulinta mashaariic badan oo wax badan ku siyaadiyey horumarka Puntland.

Waxaannu sidoo kale kaaga mahadcelinaynaa sida aad Puntland had iyo goor uga difaacaysid cadowyo badan oo rabba inay wiiqaan jiritaankeeda iyo haykalkeeda dawladnimo.

Mudane, waxaa waayaddaan soo baxay cadow cusub oo nooc kale ah, kaasoo rabba inuu wiiqo jiritaanka dadnimo iyo waliba dawladnimo ee Reer Puntland. *Cadowgaasi waa aafadda Khamriga*.

*Puntland waxaa ka jirta dhibaato weyn oo ah dhinaca KHAMRIGA*. Waxaa aad Puntland ugu soo batay iibinta iyo ka ganacsiga maandooriyadda khamriga. Tusaale, waxaa marar badan dhacda markaad dhex marayso Magaalooyinka waa weyn ee Puntland in ishaadu si fudud u qabato dhalooyin khamri oo maran oo la cabay!

Khamrigu wuxuu baabi’inayaa dhaqankeeni, diinteeni iyo dadkeeni. Tusaale, Puntland dadkeeda 70% waa dhalinyaro. Dhalinyarada Puntland waxaa haysta caadaadisyo nolosha oo kala duwan, sida shaqo la’aan iyo duruufo kale. Taas waxay dhalinta ka dhigaysa kuwo u nugul cabida khamriga haddii ay dhacdo inay si fudud ku helaan. Haddii dhalintii bilowdo inay khamri cabbaan, dad inooma harayaan!

Mudane, Madaxweyne dadka khamriga ku iibiya Puntland way xoogaysteen, qofkii isku daya innnuu wax ka qabtona handada iyo caga juqlayn bay ku bilaabaan, xitaa aniga oo magacayga qarin baan warqadaan ku soodiray!

*Mudane, inkastoo ciidamadu markasta sheegayaan inay khamri qabteen, balse taasi wax saamayn kuma yeelato khamriga lagu iibinayo Puntland, marba marka ka dambaysa iibinta khamriga waa sii siyaadaysa*
Aafadda khamriga haddii aan wax laga qaban waxay khatar gelin doontaa amniga, caafimaadka, iyo horumarka Puntland.

Mudane, Madaxweyne ula dagaalan khamriga sida aad ula dagaalamaysid cadowyada kala duwan ee Puntland, una deji qorshe isagu jira wacyigelin iyo samaynta ciidamo ugaara.
*Fiiro gaara ah*: waraaqdaan waan kuugu soo diray si qarsoon iyo si muuqata si aad bal u akhrisid. Waxaana rajayn in aad akhrisid.

*Qore: Mid kamid ah dhalinyarada Reer Puntland*.

Idilnews