Axmed Karaash oo dhagax-dhigay dayactir lagu sameynayo 8-buundo (VIDEO)

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa dhaggax dhigay dayactirka 8-buundo oo ku yaalla inta u dhexaysa Garoowe iyo deegaanka Birta dheer.

Dayactirka lagu sameynayo 8-da Buundo ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladdu ku dayactirayso Wadooyinka isku xira Gobollada Puntland, waxaana Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha Howlaha Guud, Qorsheynta , Maaliyadda , Saraakiil Madaxtooyo iyo Shirkadaha dhismaha fulinaya.

Idilnews