Baarlamaanka Puntland oo su’aalo weydiiyay Wasiirka Caafimaadka (VIDEO)

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 2-aad ee Guddiga Joogtada ah, waxaana Guddiga hor yimi Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Mudane, Dr. Jaamac Faarax Xasan oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka si wax looga weydiiyo arrimaha Caafimaadka Puntland gaar ahaan xaaladda caabuqa COVID19.

Wasiirka ayaa ugu horeyn waxa uu Guddiga uga warbixiyey xaaladda guud ee Caabuqa COVID19 ee Puntland, la tacaalidda Wasaaradda ee ku saabsan Caabuqa Covid 19, caqabadaha jira iyo dedaalada ku aaddan wacyigelinta bulshada si kor loogu qaado bed qabka caafimaadka shacabka Puntland, islamarkaana loo yareeyo fiditaanka caabuqa COVID-19.

Guddiga joogtada ayaa su’aalo ka weydiiyey caqabadaha, wax-yaabaha u qabsoomay Wasaaradda iyo weliba baahiya deg-dega ah ee jira, iyadoo Guddigu soo jeediyey in la sii wado wacyigelinta COVID19, islamarkaana bulshada loo sheego muhiimadda uu leeyahay qaadashada tallaalka covid-19.

Idilnews