Beesha Caalamka oo cadaadis ku heysa Farmaajo iyo Rooble

Beesha Caalamka ayaa aad uga walaacsan khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo saameeyay Hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa tiro laba jeer ah waxaa ay soo saareen qoraalo ay uga dalbanayeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble in ay khilaafka xaliyaan si uusan saameyn ugu yeelan howlaha doorashooyinka ee socda.

Xogaha la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan Xerada Xalane ay cadaadis xoogan saarayaan Madaxda is khilaafsan ee dowladda, iyaga oo ka dalbanayay inay wax walba wada-hadal ku dhameeyaan.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku dsrayaan in Bessha Caalmaka ay u soo jeediyeen Farmaajo iyo Rooble inay joojiyaan qoraalada sii hurinaya qoraalkooda, si uusan u sii xoogeysay.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa weli taagan, waxaana dhawaan fashilmay dadaalo xal raadin ah oo ay sameeyeen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Idilnews