Cod-bixiyayaasha Qardho, Eyl & Ufeyn oo loo qeybiyay kaararka aqoonsiga (VIDEO)

Guddiga KMG ee Doorashooyinka Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah maanta uga bilaabay Degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn qaybinta kaararka codbixiyayaasha doorashooyinka hordhaca ah ee golayaasha deegaanka.

Guddiga TPEC ayaa sheegay in qeybinta kaararka codbixiyayaasha saddexdan degmo ay socon doonto ilaa 27 september 2021.

Degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ayaa loo madlan yahay in 25 bisha soo socota ee October ay ka dhacdo doorashada hordhaca ah ee Golayaasha deegaanada Puntland, waxaana ay noqonayaan deegaanadii ugu horeeyay ee kamid ah Puntland oo ay dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Idilnews